Nairobi / XeeroMedia — Shirkadda Google ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay nidaamkeeda cusub ee sirdoonka macmalka ah ee Gemini 4 Argon, kaas oo calaamad cusub u noqonaya horumarka tiknoolajiyada, gaar ahaan maareynta iyo hawlgallinta shaqooyinka culus ee xogta waawayn.
Sida uu sheegay Koray Kavukcuoglu, Madaxweyne ku-xigeenka Google DeepMind, nidaamkan cusub ma ahan oo kaliya mid ka jawaaba su'aalaha caadiga ah ama qoraallada kooban. Waxaa loogu talagalay inuu ka faa'iideysto wada-shaqayn qoto dheer oo lagula dhex-jiraa shaqada (deep collaboration), isagoo awood u leh inuu maareeyo habab taxane ah iyadoo aanay ka xumaanayn nuxurka qoraalka ama ujeeddada shaqadu.
Faa'iidooyinka iyo Farsamooyinka Cusub ee Gemini 4 Argon:
Xadka tokens-ka (1 milyan): Google waxay sheegtay in Gemini 4 Argon uu taageero xad mideysan oo 1 milyan oo token ah oo loogu talagalay gelinta iyo soo-saarka qoraalka, taas oo u sahlaysa inuu wax ka qabto shaqooyinka adag ee ilaalinta xogta (cybersecurity), qoraallada sharciga, iyo cilmi-baarista dhaqaalaha.
Hagaajinta Nidaamyada Software-ka: Shirkadda Google ayaa shaacisay in dib-u-dhiska code-ka nidaamka Chromium oo ka kooban 6 milyan oo layn uu nidaamkan cusub ku dhammaystiray toddobaadyo gudaheed, taas oo baajisay fashilka (crashes) ku dhaca browser-ka Chrome.
Awoodda Sababaynta ee Madax-bannaan (Agentic Reasoning): Argon wuxuu leeyahay awood uu ku qorsheeyo, ku adeugsado aaladaha kala duwan, kuna maareeyo hawlo ka kooban tallaabooyin badan iyada oo aanu ka haysan jahwareer.
Sidoo kale, hay'adaha dhaqaalaha iyo amniga adduunka ayaa hadda bilaabay adeegsiga nidaamyada badbaadada xogta ee AI, iyadoo dhanka kalena dawladaha adduunka ay kordhiyeen shuruudaha ilaalinta xogta iyo maareynta khataraha ka dhalan kara sirdoonka macmalka ah.
